|
Ra'iisal Wasaaraha uu Wada Hadal la Furayo Mucaaradka Dowladda |
|
Written by Ali Moallim
|
|
Saturday, 24 November 2007 |
|
Baydhabo, (insidesomalia.org) - Ra'iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa sheegey in ay Xukuumaddiisa wada hadal la furi doonto Mucaaradka ka soo horjeeda Dowladda.
"Waxaan aad ugu dadaali doonaa in aan Dadka Dowladda Mucaaradka ku ah ka qanciyo waxyaabaha ay Dowladda ku mucaaradsan yihiin, aniga oo baadi-goobaya waxa ay tabanayaan,
haddii ay ahaan lahayd in la dhegeysan waayay fikradahooda iyo haddii ay ahaan lahayd in ay awood qeybsi aawgiis wax u mucaaradsan yihiin"ayuu yiri Ra'iisal Wasaaraha.
Mr: Cadde waxaa uu sheegay in inta uusan tallaabo qaadin uu doonayo in uu helo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed, isagoo caddeeyay in uu aad u jecel yahay in uu ka tiirsanaado Shacabka Soomaaliyeed taladoodana uu qaato.
Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde waxaa kaloo uu sheegay in uu jagada Ra'iisal Wasaarenimada isu soo sharaxay kadib markii uu arkay xaaladda uu Dalka Soomaaliya ku sugan yahay, wuxuuna cadeeyay in uu u bareeray qabashada Xilkan oo uu gudashadiisa ku tilmaamay waddo qodxo leh oo la marayo.
Wuxuu ka hadlay Ra'iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Ciidamada Itoobiyaanka oo Muqdisho ku sugan iyo goorta laga maarmi doono, wuxuuna sheegay in cid kasta oo Muqdisho ku sugan looga baahan yahay in ay xalka wax ka raadiso, "Ciidamada Itoobiyaanka waxaa laga maarmi doonaa markii nabadgelyo la abuuro oo Umaddeena is-fahamto oo markaasina Ciidamo aan leenahay aan sameysanno"ayuu yiri ¨ Nuur Cadde.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Nuur Cadde waa Ra'iisal Wasaarihii labaad oo ay yeelato Dowladda Federaalka KMG Soomaaliya oo seddex sano jirsatay, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ra'iisal Wasaarahan uu ka yimid Dibadda Baarlamaanka Soomaaliya, halka Ra'iisal Wasaarihii hore ee is-casilay Prof: Cali Maxamed Geeddi laga soo magacaabay gudaha Baarlamaanka.
|